New Heesta Astaanta Geb Secondary School

by Dr. Beileh, August 22,2009.

 

Afrika deyrkayga weeyaan

Geeskuna deriskayga weeyaan

Djibouti duleedka weyaan

Awdalna degmadayda weeyaan

GEB-ina dugsigayaga weeyaan

Somali Dadkaygu weeyaan

Dareenkiyo jiidhka weeyaan

 

Diintaydu islaamka weeyaan

Hadday kala daadsantahay

Bulshada isku duubni iyo

Dantoo loo midoobo iyo

Dalaandalinteeda iyo

Caddaalad na deeqda iyo

Sinaana lagu doogsadiyo

Xurnimo dummaddayda weeyaan

Deeqina ta ilaahay weeyaan

 

Dadaal masgaxaysan iyo

Ducaa lagu meelmaraa 

Ammiin ila dhaha dadoow