In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful

Home

Donate

Photo Gallery

Video Gallery

Somali

What's New

Contact us

     
 

WAXA AAD KU HAMIDO AYUUN BAAD U AYDAA

 
     
 

Salaanta islaamka ka dib, Ilaahaybaa mahad is ka leh, Nabigiisana nabadgelyo iyo naxariis baa korkiisa ah.

Walaalayaal RAMADAAN KARIIM!

Intaa ka dib, nooca bani aadamku waa khalqi qeymo weyn leh. Haddaad fiiriso dabaq ay ukuni ku jirto waxaad arkaysaa in aanay xabadahaa ukuntu wax sidaas ah ku kala duwanayn; hase ahaate, caalamka bani aadamka waxaad arkaysaa qof qalbigiisa balaadhan, himadiisa dheer, iyo ujeedooyinkiisa  qiimaha lihi ay ka dhigayso sidii wuxuu buur yahay; waxa kale oo aad arkaysaa qof daciifnimada himadiisa iyo dalabkiisa hooseeya uu ka dhigay in uu diqsi oo kale yahay. Nooca bani aadam la yidhi waa nooc la karaameeyey, waxa la siiyey tamar (ama awood) aad u balaadhan, markaa haddu qofku u isticmaalo tamartaa balaadhan arrimo qiimo u leh bulshada uu la nool yahay wuxuu ka mid noqonaya dadka magaca dheer iyo qiimaha weyn ku leh adduunka ee taariikhdu xusto. Hadduu qofkaasi uu wado risaalad waa nabi karaamaysan ama rasuul ummad hormood u ah. Waxase jira qof aan adeegsanaynin tamartaa, taasi oo dhaxalsiinaysa inuu weligiiba ku sugnaado nolol xumo murugo leh ama qiimo laáan ku noqdo bulshadii uu la noolaa. Dhinaca kalena, waxa jira kuwo tamartaa u adeegsada arrimo shar iyo xumaan ku salaysan, waa danbiilayaasha iyo dulmi oogayaasha.

Nooca bani aadamku waa nooc aad u yaab leh! Wuxu isugu jiraa mid weynaanaya oo aanad weynaantiisa arkayn, balse aad arkayso iyada oo wax kasta oo weyniba uu wax yar ku hoos noqonayo ilaa mid kale oo sii yaaranayo oo aanad arkayn yaraantiisaa, hase ahaatee aad arkayso wax kasta oo xaqiir ihiba in uu wax weyn ku noqdo.

Arrinta muhiimka ah ee sidaa u kala duwaysaana waa HIMADA. Hadaad qof ay himadiisu daciiftahay aad weydiiso waa maxay hadafkaagu? Wuxu ku jawaabi, matalan, in uu cuno oo cabo!!! In uu helo aqal uu ku noolaado. Hadduu intaa helana waxa halkaa ku dhamaaday ahdaaftii uu nolosha ka lahaa oo dhan.

Hase ahaatee, nabigeena suuban (NNKHA)  himadiisu waxay ahayd in uu Khalqiga oo dhan dariiqa toosan ku hadeeyo. Wuxuuna odhan jiray “Haddaad ogtihiin waxa aan ogahay in badan baad ooyi lahaydeen in yarna wad qosli lahaydeen...”.

Hadaba Ilaahay ma eego muuqaalkaaga iyo sida aad u egtahay ama waxa aad haysato, balse wuxu eegaa himada aad leedahay iyo waxa aad ku hamiyeyso. Qofbaa hamigiisu yahay in uu wax cuno ama uu nolosha ka raaxaysto oo qudha, ama in uu kaligii uun si raaxo leh u noolaado oo uu iska ilaaliyo inuu wax kale ka werwero; laakiinse ogow qofbaa hamigiisa kaliyihi yahay in uu ummada hadeeyo ama umaada wax ku taro. Sidaa darteed waxaad xagga Ilaahay ku weyntahay kolba inta culays aad iska saartay dadka kale wax u qabadkooda.

Sidaan horey u sheegay, bani aadamku wuxu leeyahay tamar aad u faro badan, waxaad ka helaysay qof ka tagay raad cilmi diineed ah oo aad looga fajaco, qofkaasi wuxu noolaa muddo kooban oo xadidan sida dadka kale, waxase uu ka tagay oo uu qoray matalan labo boqol oo buug, taas oo fikirkiisii iyo qoraaladiisii, kun sano ka dib, lagu akhristo meel kasta oo ka mid ah caalamka islaamka. Hadaba waa maxay himada intaa leeg ee uu lahaa markii uu noolaa? Jawaabtu waxa weeye qofkastaa wuxu gaadhi karaa halka ugu saraysa haddii uu si fiican uga faa’idaysto tamarta uu Ilaahay siiyey. Wax ku soo xidhayaana ma jiro. Cali Ibn Abi Daalib ayaa la sheegay in uu yidhi: “Malagga waxa lagu rakibay caqli aanay adduun jacayl (material desire) la socon; xayawaankana waxa lagu rakibay adduun jacayl aan caqli la socon; bani aadamkana labadaba. Markaa, hadduu qofku caqligiisa ka hormariyo adduun jacaylka wuxuu dhaafi karaa malagga; haddii uu adduun jacalka hormariyana wuxuu ka hooseyn karaa xayawaanka.”

Waa maxay haddaba waxaad ku hamidaa? Maxaad ku werwertaa? Maxaad rabtaa? Maxaad rajaysataa? Yaad la nooshahay? Yaad u nooshahay? Maxaa ku raali galiya? Maxaa kaa cadhaysiiya? Maxaad wax ku bixisaa? Yaad xidhiidhisaa? Yaad goysaa? Yaad tahay? II sheeg waxa kaa cadhaysiiya, waxan kuu sheegi cidda aad tahay? Ii Sheeg waxa ku raali galiya, waxan kuu sheegi qofka aad tahaye?

Siyaabaha aad Ilaahay ugu dhawaan kartaa waxay ku jirtaa gacmahaaga. Sharciga Ilaahay wuu cad yahay, xalaashu wey cad tahay, xaaraantuna sidoo kale. Kaliya adoo wixii xun faraha ka qaada, ama adoo xagga xalaasha u jeedsata waxaad kor ugu kacaysa dhinac Illaahay. Ilaahay wuxu xadiisul qudsi ku yidhi hadal macnihiisu yahay: wax uu adoonkaygu iigu soo dhawaado oo aan ka jecelahay ma jirto waxyaabaha aan waajibka kaga dhigay. Hadduuse halkaa ka sii wado oo uu iigu soo dhawaado camal kasta oo fiican, oo uu dar Ilaahay u sameeyo, ilaa inta aan isaga jecelaanayo, ilaa laga gaadhayo in aan noqdo dhegihii uu wax ku maqlayey, indhihii uu wax u arkayey, gacantii uu wax ku qabsanayey, iyo lugtii uu ku socday. Hadduu wax i weydiisto, wax hubaal ah in aan siinayo, hadduu I baryana in aan u jawaabayo.

Taas oo macnaheedu yahay, mar haddii uu Ilaahay ku jeclaado, maqli meysid wax ilaahay jecel yahay mooyee wax kale, arkina maysid wax aanu Ilaahay jeclayn; gacantaadana weligaa wax xun ku qaadimeysid kuna qabanmeysid, lugahaagana meel aanay faa'iido kuugu jirin oonu Ilaahay raali ka ahayn ku tegi maysid.

Hadaba, walaalayaal, waxan naftayda ugu horeyn iyo idinkaba idin xasuusinayaa baahida dalkeena iyo dadkeena haysataa in ay badan tahay, taasi oo macnaheedu yahay waxa badan fursadaha aynu Ilaahayna ugu dhawaan karno, ilaa inta uu inaga jecelaanayo, ummaadeenana aan dhibaatooyinka haysta wax uga qaban lahayn. Sidaa darteed, waxa fiican in aynu ka faa'idaysano fursadahaa faraha badan - gaar ahaan bishan barkaysan ee Ramaadaan oo camalka fiicani labo jibaarmo.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Omar Haji Farah

ohajifarah@runbox.com
 

Kor

 Copyright © 2000 - 2004 Rural Education And Development. All rights reserved.