|
|
|||||||
|
In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful |
| ||||||
|
Xubnaha G/Wasiirada Awdal Iyo Selel Kaga Jira Xukuumadda Cusub Oo Ka Qaybgalay Xaflada Furitaanka Geb Secondary Boarding School Ee Degaanka Geb, Hoosna Timaad Deg.G/Dadar: |
||
|
|
||
|
Borama-(Lug)-Wasiirrada
iyo Wasiirro ku xigeenada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo kaga
jira Gbobolada Awdal iyo Selel ayaa maanta ka qaybgalay xaflad
tuulada Geb, hoosna timaad maamulka degmada Garbo-Dadar, laga
furayey dugsi sare oo leh cunto iyo jiif, looguna talo galay
inay wax ka bartaan ardayda kasoo baxda dugsiyada ku dhawdhaw
degmooyinka dhulkaasi. Xafladdan oo maanta ka dhacday
degaanka Geb ayaa sidoo kale waxa kasoo qaybgalay xubnaha Golaha
degaanka ee degmadaasi, Masuulyiinta waxbarashada G/Awdal,
Guddoomiyaha ururka Bisha Cas G/Awdal Maxamed Xaaji Nuur,
Salaadiin , Cuqaal iyo xubno ka tirsan ururada samafalka ee ka
qayb qaatay hirgelinta dugsigaasi, aqoonyahanno iyo martisharaf
kale. Khudbado loogu ducaynayey cid
kastoo ka qayb qaadatay Dugsigan isla markaana lagula
dardaarmayey ardayda geli doonta dugsigan ayaa waxa ka hadlay
masuuliyiinta xukuumadda Axmed Siilaanyo ee kasoo jeeda g/Awdal
iyo Selel. Wasiirka caddaladda
Prof.Ismaaciil Muumin Aare oo furitaanka dugsigan ka hadlay
Wasiirka ciyaaraha dhaqanka
iyo dhallinyarada Maxamed Ibraahim Madar oo isna halkaasi ka
hadlay ayaa yidhi “Haddaan nahay xukuumadda cusub ee xilka
qabatay weli waxba ma hayno, waxaasaan qabanaynaana idin odhan
maryno ee waxaan leenahay waan idin barbar taagannahay
dedaalkiinna, wax kastoo aad xaq u leedihiinna waan ku dedaali
doonaa. Wasiirka beeraha Faarax Cilmi
oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi "waxaan ogaa
Maayarka Garbo-dadar oo isna
halkaa ka hadlay ayaa munaasabaddan ku yidhi “meeshan waxa asal
ahaan loo yaqaan Geb-qaloocaan, waa meel caan ku ah ciyaaraha
hiddaha iyo suugaanta g/Awdal, waana dhul daaqsimeed xoollaha la
keeno wakhtiga jiilaalka , waana nasiib wanaag in meeshan oo
geel lagu eegi jiray maanta dugsi waxbarasho laga hirgeliyey,
ammaan iyo duco ayaan u eedinaynaa ciddii kasoo shaqaysay”. Dr.C/raxmaan Bayle isla
markaana ka tirsan madaxda Baanka Horumarinta Afrika, lana
rumaysan yahay inuu ka dambeeyo aasaaska Dugsigan sare oo isna
halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Dugsigan waxa ku bilownay wax ka
yar 21 kun oo Doolar, hase yeeshee lacagta ku baxday qaybtan
hore maanta waa ilaa 100,000 oo Doolar waxana filaynaa inay ku
baxdo 500,000 oo doolar, waan iska riyoonnay , ilaahayan riyadii
dhab ayuu nooga dhigay, afar fasal, meeshiyo rag iyo dumarba wax
ku cunayeen, xafiiskii macallimiinta. Sariirihii jiifka oo ilaa
laba boqol ah iyo furaashyadoodii oo ay bustayaashii weheliyaan waxa noogu
deeqayay muwaadin reer Awdal oo jooga Sucuudiga lana yidhaa
Xaaji Yuusuf, halka nin kale oo muwadiniintaasi ka mid ahina
noogu deeqay boqol kursi iyo boqol miis oo wax lagu barto iyadoo
intaa in le'egna waxa noogu deeqay jaaliyadda reer Awdal ee ku nool
magaalada
Riyaad. Hay’adaha caalamiga ee Somaliland jooga sida UNICEF iyo
AET waxay noo ballanqaadeen adeegyada biyaha”. Guddoomiyaha waxbarashada G/Awdal
Daahir Maxamuud Xaddi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi
“Ardayda kasoo baxda dugsigani waxay noqon doonaa kuwa degaankan
uga faa’iideeya khayraadka beeraha iyo macdanta ay hodanka ku
tahay , Annaguna wixii itaalkayaga, wasaaradduna iyadoo
caddaaladda ku shaqaynaysaa ardaydan dugsigan siin doonto
xuquuqda ay ka mid yihiin tayeynta waxbarashadooda.” Dr.Maxamuud Xuseen Cige ahna
Guddoomiyaha Jaamacadda EELO AMERICAN ee Boorama iyo registarar-ka
jaamacadda Cammuud Prof.Cumar Cali C/laahi oo iyaguna halkaa ka
hadlay ayaa si gooni gooni ah uga hadlay xidhiidhka taageero ee
ay la yeelan doonaan dugsigan, isagoo guddoomiyaha EELO sheegay
inay waxbarashada sare ee dugsigan ka caawin doonaa sidii looga
faa’iideysan khayraaadka macdaanta iyo biyaha ee degaanka GEB
hodanka ku yahay, halka registrar-ka Camauudna sheegay inay
dugsigan ka caawin doonaan dhinaca tababarada macallimiinta wax
ka dhigi doonto dugsiga. Marwo Faadumo kalluunle oo
xafladdan ka hadashay ayaa iyaduna tidhi ” Furitaanka
Gebogebadii xafladdaasi ayaa
wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo Tacliinta sare Cali X.Xaamud
jibriil xadhigga ka jaray dhismahaasi hadallo dardaaran ahna u
jeediyey dadweynihii kasoo qaybgalay xafladdaasi.
Wariye:- Lughayanews-Borama
|
|
Copyright © 2000 - 2004 Rural Education And Development. All rights reserved. |