In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful

Home

Donate

Photo Gallery

Video Gallery

Somali

What's New

Contact us

 

GABAY: GUUBAABO

 
     
 

Guuraha marbaad ku hindistaa geeddi daba dheere,

Gayi aad aqoon iyo marbuu kula galaa duure,

Gam'i maayo ruuxii arkaa galabta xaalkeena,

Iska gaabso adigoo lahaa aragtay hawl gaar ah,

Gabay tiriba anigoon is odhan guuxu ila jiidhye,

Geeraar yar oon turux lahayn hadalki oo gaaban,

Afareydan gubankii ka timid ee galab carraabaysa,

Gunta hadalka goobtaan u wado aan ku garansiiyo,

Waa manso guul dhaxa hadaad garatay doodayda,

Gaf hadaan sameeyana anaa gudaya xaalkiisa,

Guubaabo anigoo u wada golahan aan joogno,

IQRA guushan ay gaadhay iyo geedigani toosay,

Gabigeen waxaa inala gudboon gacan inaan siinno,

Garta loo guntaday ee golaha lagaga goohaayo,

Shirkan geeska la is daray waxaa lagu gorfaynaayo,

Gacmo urursan ficil geesinimo guushan lagu gaadhay,

Waa geeddi awrkii la raray  galab dhaqaaqaayo,

Waa garasho nimankii la yimid gacan la siinaayo,

Kaan garan ujeedada haddaan erey yar gaarsiiyo,

Wanka gowrac anigoon lahayn hadal guntii taabto:

Waa baaho ubad geed fadhiya lagu gargaaraayo,

Garo oo ujeedadu waxay galabta kuu sheegtay,

Inay tahay arrimo gaaxday oo gobolka saameeya,

Gabigeenna ay waajib tahay dhiirin galinteedu,

 

Ka gudbaye bal taariikh gun dheer aan ku garansiiyo,

Gayigaad arkaysaan marbuu geelu meranaayey,

Geed moroh ah goon iyo xadhuun galabtii daaqaayey,

Dhulkan gubanka lagu sheegayaa roobku gu’i waayeye,

Galli aan biyuhu hoos u gudhin Gu’ iyo Jeelaal ba,

Geestii ad eegtaba marbu gacanku buuxaayey,

Geedigaba reeruhu marbay gocashadeed haynin,

Marbaa geenyo faras iyo lo’duba gaafta wada daaqday,

Marbuu gabanka geel daajiyaa goraf ka maalaayey,

Marti reerka soo guud tagtana gabanku siinaayey,

Ido guud cad riyo gees dadbani golaha buuxaayey,

Gaax dararay gaarida haween gacan ku maalaysey,

Haan guluc leh subaxii gadhoodh subag ka goonaysay,

Shabbad dhaban leh timaheeda dheer burcad ku dheehaysay,

Garaw xeedho laga buuxiyoo golaha loo qaado,

Gunta subaga loo joojiyaa gacal la siinaayey,

Gayigaa ad araktaan marbaan gaajo la aqoone,

Gobka daadsan dheemaalka go’a midhaha geed saaran,

Marbaa kulanka dhuwankii ka dhacay adhigu dhaafaayey,

Geel dhaqasho mooyee wax kale loguma goohayne,

Nin aan guunyo qabin maalin baan gabadh la siinayne,

Gabootaha magaalada ka yimid cidi gar siinayne,

Goobaha ciyaaraha hablahu uma garaacayne,

Cadda loolka goortii ciyaar gudis la aadaayo,

Goobta dhaqanka reeraha gartiyo geedka lagu gooyo,

Nimaan geesinimo lagu ogeyn gacan ma taageyne,

Gobalkoo dhanbaa laga yaqiin in ay gadoodaane,

Geestuu midkood kaa xigana laguma goohayne,

Axmed Guray ba goobtuu ku koray uu geela ku ilaashay,

Geesinimada gaarkiyo halkuu guusha ka abuuray,

Gadii xabashi loo dilay halkii lagu gurfaynaayey,

Hadaad garatay Guray baa ku koray godinka hoostiisa,

Baddan guuxda, xeebahan cid kale maadh ka guranayso,

Godkaad maqashay golahii hidaha Zeilac gudaheega,

Giriyaad garoomada ku yaal ee gaaska lagu sheegay,

Gosha kulanka arligaa dadban iyo Eelo ganaceega,

” Golis Range-ka “ buuraha qotama ee gacan libaax dhaafsan,

Beeraha hadhuudh laga guro iyo galal ku soo xeersan,

Gagadii Wajaaliyo xarfada daadsan Kala baydhka,

Lo’da baahsan baliyada ku yaal Gabiley beerkeeda,

Gabigoodba waa dhaxalgel qoran oo adiga kuu gaar ah,

Garta  oo waxaan uga gol laah oo gabayba ii geeyey,

Gadda maanta lagu noolyihiyo ubadkan gaajooday,

Guga hore madhaafaan badhkood geeri waa u halis e,

Habeenkii galaba maatidii gobal bay aasaane,

Jahlibaa garoon loogu xidhay oo gaabshay ubadkiiye,

Guud ahaan iskoolada la galo garanba maayaane,

Guunyo daaji mooyee ma baran ganacsi taa dhaafsan,

Geela soo rog mooyee wax kale uma garaadeysan,

Gayigaad u dhalanteen dadyahow geedkii ka idlaaye,

Guyaaladan daruuruhu gudhe oo roobkii goba’a daaye,

Kii geel lahaan jiray ma helo hal uu ku guuraaye,

Gashi laguma qabo guunyadee oo gaajo loo dhimaye,

Dhaqanguurka ummaddii ku dhacay garanba maysaane,

Geel jiruhu qaad buu gataa ubadkii oo qaawan,

Beeraha kuwii goosan jiray gaabshe tamartiiye,

 

Hadaan galabta laga gaadhin oon loo garaad celinin,

Amba aan ilmahii gala iskool gacan la siin waayo,

IQRA guushan ay soo wadana an isla garan wayno,

Gudiduna waxay soo garteen galino khaakhuulo,

Intaad golaha moran uun wadaan gees u kici mayno,

Geediga halkii lo wadiyo guusha lama gaadho,

Ha gafina ee gacantiina fura gabi ahaantiinba,

U guntada ujeedadda jahliga dabar u goontiisa,

Guud ahaan cilmiga lagu gudbee dunidu ay gaadhay,

Gaajada wuxuu kaga bixiyo ganacsi kaan haysan,

Nin aan tiisa goosani karayn guuli uma taale,

Gunta hadalka soo gaabiyoo waxan ku soo gooyey,

Darka laguma xidho gago cidla ah iyo ceel xagaa gudhaye,

Gabno weeye geelaba hashii godal an qaadeyne,

Innaguna geddo kale ayaan galabta joognaaye,

Gunta ceelka kii ugu dhacaa gacan la siiyaaye,

IQRA waa arimo guulsida iyo ubad gargaarsiiye,

Waa aragti gaara oo ilmaha gabi xanaaneeya,

Ehel kuu ka yimid iyo cidduu galo ma eegaane,

Waxtar gaar ah oo guud ka siman gobanimaa u dheere,

Gurmadbay dhamaan ugu jirtaa gabi carruurtaase,

IQRA gacanta soo fidisay oo gar ina deeqsiisay,

U garaaba guubaabadaa la idin garansiiyey, 

Gunba ma leh qabiil meeshu galo gabi ahaantiise,

Kala guurtay Soomaalidii geeska wada taalay,

Gacmo wadajir soo wada ninkii qoyska kala gooya,

Waa midaan garaad dheer lahayn oo guul ma soo wada e,

Gilgishoo guntada waa ged adag goortaan soconaaye.

Waxa tiriyey (Alla ha ka jazaa'i siiyee): Cali Ibrahim Baxar

 

 

1

Ducadayda Aamiin!!

 

2

Dhalintii Dalkaygaa!!

 

3

Gabayo MAQAL ah

 

 

4

Dokhow Maxaad tahay?

 

 
 
 

Kor

 Copyright © 2000 - 2005 Rural Education And Development. All rights reserved.