|
READ Webmaster:
(Waa qayb yar oon ka soo dheehday gabay dheer oo la magac
baxay “himilo” uu hal abuuray Abwaan Axmed
warsame xasan ‘daweeye’ oo ka mid ah
taageerayaasha daneeya waxqabadka Ururka READ/IQRA
|
|
Daweeye: “War
nabada lagu sii (wnls) Gabaygani cidkastuu khuseeyaa laga
bilaabo Qolo ilaa Qaran; Dawlad iyo shacab labadaba.
(labada tuduc ee leh calamaddan (*) macnahoodu
la xintama maaha waase la tartama. Tartanku waa sharaf
xintankuna waa dulinimo Waxan idhi: (laynba
laynkuu ka horeeyo ku qabo).” 29-06-05 London
|
|
Hirkaloo danteena
ah |
Hadaan idin haleelsiiyo |
|
Idinkoon ukala hadhin
midnimo |
Himiladheer qaata |
|
Nin walboow waxaad heli
kartiyo |
Hura aqoontiina |
|
Haweeniyo caruuriyo
ninweyn |
Hidiya maalkiina |
|
Hadba heeribay
taagantee |
Himila dheer qaata |
|
Dekedda an haraadka u
qabne`e |
Hadaftay doon-doona |
|
*Hoosada Jabuutiyo
Barbara* |
*Hab uga kaaftooma* |
|
Hartan Saylac noo qoda |
Shacbigu wuu
hadhgelayaaye |
|
|
|
|
Hirkaloo danteena ah
hadaan |
Idin haleelsiiyo |
|
Baddan soo haraaciday
kaluun |
Shabag ku soo hoysta |
|
Doonyaha itood
halabsataan |
Soo hirqada khayrka |
|
Markaad gaajo kala
haajirtaan |
Hadhayna sii dhoofsha |
|
Hayaan baa adduunyada
jire`e |
Himilo dheer qaata |
|
|
|
|
Afartaa hanaankii
abwaan |
Hadaladiisiidhe |
|
Hindisaha sidaan
doonayiyo |
Horumarkeenii dheh |
|
Hada kalena waa
maansadaan |
Soo haloosiyey-ye |
|
Horusocodka iyo
guurtidaan |
Soo hor dhogayaaye |
|
An haaneedo waataan
murtida |
Hoodo ku lahaaye |
|
Hareeraha adduunyada |
dab baa
la`isku haystaaye |
|
Naftu heegan bay
aamintoo |
Haakah laga waaye |
|
Waxba lama heshiiye`e |
Sirbaa laysku hodayaaye |
|
Habeen iyo dharaar |
Shiishka waa lays hor
dhigayaaye |
|
Hootadu nin kay
debecsantahay |
Haadku ku casheeye |
|
Kii an Hawsar sidan |
Xaajo way ka
hanfariirtaaye |
|
Hindisaha ku dara |
Ina ragbaad la
hirdamaysaane |
|
|
|
|
|
|
|
Afartaa hanaankii
abwaan |
Hadaladiisiidheh |
|
Hindisaha sidaan
doonayiyo |
Horu markeenii dheh |
|
Hada kalena waa
maansadaan |
Soo haloosiyey-ye |
|
Horusocodka iyo
guurtidaan |
Soo hordhigayaaye |
|
An haaneedo waataan
murtida |
Hoodo ku lahaaye |
|
|
|
|
Kii horseeday kii soo
halgamay |
Kii hurdada seexday |
|
Iyo ka`an habeen qudha
dan guud |
Faras u heensaynin |
|
Ka hungurigu leexshee
waxkale |
U hanqal taagaaya |
|
War taariikh hadhaysaa
jirte`e |
Himilo dheer qaata. |
|
Hirkaloo danteena ah haddaan |
Idin haleel siiyo |
|
|
|
|
Ubadkeenu yey haydal
noqon |
Laga horeeyaaye |
|
Higaaddii quraankiyo u
dira |
Macalimiin haysa |
|
Hagar li`i agoomaha
wax-qabad |
Hooda ugu deeqa |
|
Hooygii tacliintaan
nehee |
Huriya baaruudda |
|
Iqrana way hubqaadaye
kudara |
Hadaf kaloo muuqda |
|
Kuwii soo haloosiyey
abaal |
ula han waynaada |
|
Hangool lagu
cadaadshiyo |
Ma geyo inad
hantaaqdaaye |
|
Halbawlaha nin-doorka
ah mar qudha |
Hibo ku taageera |
|
Hambalyeeya kii
hawl-gal-qaran |
Soo holada xaajo |
|
Mid hadduu hawaawiyo
mar kale |
Hoos wax ugu sheega |
|
Hogaan wacan inaad yeelataan |
Geliya haab kina |
|
Hilib qudha inaad wada
tihiin |
Geliya haabkiina |
|
Hooyo mida inaad wada
jaqdee |
Geliya haabkiina |
|
Hadhuub culan inaad
wada dhanteen |
Geliya haabkiina |
|
Inad hurin walaala ah
tihiin |
Geliya haabkiina |
|
|
|
|
Hada kalena waa duco
Allaan |
Hiilka sugayaaye |
|
ilaahaw shirkii lagu
hodmee |
Noo hirgala kaadhig |
|
Habaqlaan ku noolee
Alloow |
Hilinka noo toosi |
|
ILaahoow hanuun gaara
sii |
Kaayaga habawsan |
|
Hawo caafimaad guul
Alloow |
Hogol darrooraysa |
|
Heshiis baan ka sugayaa |
Fadhigan hadalna waa
yeela. |
|
|
|
Wixii Su`aalo ah waxad kala
xidhiidhi kartaan:
Abwaan Daweeye tel:+447949132752
London uk E-mail:
daweeye2000@yahoo.co.uk |