Forumka Haji-Diide, READ/Iqra NGO Discussion Channel

Xubnaha sharafta leh ee Forumka IQRA waxaan ogeysiinaynaa uguna bishaaraynaynaa in Forumka Haji-Diide iyo Websiteka READ/IQRA NGO ay iska kaashadeen sidii ay u abuuri lahaayeen GOLE labaad oo wada-xaajood oo ay taageerayaasha dhabta ah ee Ururku ay ku kulmaan iyada oo laga tabaabulshaystay oo la adkeeyey in xogta, doodaha iyo wararka u gaarka ah taageerayaashu aanay sinaba ugu gudbi karin qof aan u qalmin ama aan ehel u ahayn; iyo in aannu qof aan la garanaynin ama isqarinayaa (anonymous) aanu sinaba uga soo qabygali karin dood-wadaagga Fooramka.

Sidaa darteed, waxaan walaalaha qiimaha leh ee aan ilaa hadda is diiwaangelin, in ay isku qoraan sidii ay xubin uga noqon lahaayeen Golahan labaad oo ah Forumka Haji-Diide, READ/IQRA NGO Discussion Channel. Waxaana u furan ama u bannaan labo dariiq oo kala ah:

1) In uu ka noqdo xubin e-mail ahaan uun kala socda fooramka, hadday tahay akhris ama qoraal. Taas oo ah isaga oo doorta in uu ka mid noqdo "Mailing List"ka Forumka.

2) ama in uu doorto "Group Membership" oo ah in uu toos u gali karo Golaha ama Foorumka. Dariiqani wuxuu khasbayaa in uu qofku samaysto (haddaanu hore u lahayn) e-mailka Yahoo ee bilaashka ah. Kolka aad ka mid noqoto Forumka Haji-Diide, READ/IQRA NGO Discussion Channel, waxa aad ku gali kartaa magaca e-mailkaaga iyo kalmadaada sirta ah eed adigu u samaystay oo kaliya.

U dambeyn, waxaan Foorumka u diyaarinay hab-dhaqanka haboon (code of Conduct) oo aan ku rajoweynahay in aan dhamaanteen wada hirgelin doono. Hadaba, walaalayaal qalbi furan ugu soo dhawaada; si aad "code of conduct"ka uga bogotaan Fooramkan gala. Gelitaanka iyo ka-xubin noqoshada Forumka cusubna, fadlan "link"yadan hoos ka muuqda adeegso:

Click here to sign in to Iqra NGO discussion channel, Haji-Diide Forum
Click on Sign in to login to Haji-Diide Forum,
READ/IQRA NGO discussion channel.


Subscribe to Haji-Diide Forum,
READ/IQRA NGO discussion channel.
Powered by groups.yahoo.com

<< BACK

Copyright 2000 - 2005 Rural Education And Development. All rights reserved