|
|
|||||||
|
In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful |
| ||||||
|
O G E Y S I I S !!!! O G E Y S I I S !!! |
|||
|
Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu |
|||
|
Taariikhdu markay ahayd 07/07/2007, waxaa dalka Norway magaalo madaxdiisa Oslo ka dhacay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen xubno badan oo ka kala yiimiday daafaha dalka Norway. Shirkaas oo lagu falanqeeyey badbaadinta hawl galadii muddada dheer ay soo waday IQRA/READ, iyo sidee ayay taageerayaasha IQRA ee ku dhaqan dalka Norway uga qayb qaadan karaan jiritaanka ururka. Waxa goobtii loogu soo bandhigay waxyaalihii ururku ka hirgaliyay Gobolka oo ah hawlo aan marnaba la iloobi Karin; waxaana mahada iska leh Allahii na garansiiyay in aan wax wada qabsano, halkaa oo intii iskugu timiday ay aad ula dhaceen wanagan loo soo bandhiigay. Gabagabadii shirkaas, waxa lagu dhisay garab madax banaan oo loo bixiyey IQRA Norway taageerona u noqon doona urur weynaha READ/IQRA; iyo in uu mideeyo bulshada ku dhaqan dalka Norway. Isla markaa waxaa shirkaasi lagu dhisay Guddida fulinta ee maamulka u qaban doonta IQRA Norway, waxaanay kala yihiin sidan:
Sidaa daraadeed, waxaan ka rajaynaynaa guud ahaan taageerayaasha Ururka READ/IQRA meel kasta oo ay joogaanba in ciddii faahfaahin ama akhbaar kale u hollanaysaa ay kala soo xiriiri karto xubnaha hoggaanka u haya IQRA Norway Email: iqranorway@yahoo.com |
|||
|
DAAWO SAWIRADII SHIRKA |
|||
![]() |
![]() |
||
![]() |
![]() |
||
|
Copyright © 2000 - 2004 Rural Education And Development. All rights reserved. |