BismiLLaahi Raxmaani Raxiim

Hoyga

Ku Deeq

Sawiro

 Filimo

 Suugaan

English

Nala soo xiriir

"IQRA! Bismi Rabikal ladii khalaqa. Khalaqal Insaana min calaq. IQRA! Wa Rabukal Akram. Alladii Callama bil Qalam. Callamal Insaana maa lam yaclam" [96:1-5]

Dhageyso Gabayadan Maqalka ahAkhriso Gabaydan Qraalka ah

 

 

 


Erayga READ oo ka kooban xarfaha ugu horeeya ee erayada ingiriisiga ah ee "Rural Education And Development", micnihiisuna yahay 'akhri' ama "IQRA", waa Urur samafal ah oo ku hawllan "Waxbarashada iyo Horumarinta Reer Miyiga". READ, oo dalka gudihiisa looga yaqaano magaca (IQRA), waxa laga aasaasay Gobolka Awdal bishii Juulay 24dii 2000. Waxaana dhidibada u taagay aqooyahanno u dhashay deegaanka oo isugu jira macallimiin, Injineero, dhakaatiir iyo Maamulayaalba. Kuwaasi oo u huray waqtigooda iyo itaalkooda in ay ugu shaqeeyaan beeshooda ku tabaalawday dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay sideetanadii iyo bilawgii sagaashandii, gaar ahaan da'da soo koreysa ee lagu ilaawey deegaanada miyiga ah ee ka fog magaalooyinka Gobolka Awdal iyo Degmada Gabiley; kuwaas oon, haba yaraatee, wax fursad ah u helin dugsiyo ay wax ku bartaan.Erayga

UJEEDOOYINKA:

Isaga oo ah uruka kaliya ee ka hawlgala gobolka Awdal iyo degmada Gabiley, una arka in ay WAXBARASHADU tahay shayga ugu horeeya uguna muhiimsan ee lagu tiigsado horumar, READ/IQRA waxa lagu aasaasay himilooyinka ah in la buuxiyo kaalinta haboon ee hawlaha dib-u-soo-noolaynta iyo wax-ka-qabashada adeegyada buburay ee bulshada reer miyiga iyo hawlaha guud oo uu sababay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, gaar ahaanna Waxbarashada iyo horumarinta.

WAX-QABADKA:

Ka dib markii si guul ah loogu dhaqaqay qiimayn and daraasado lagu eegayo suurtagalnimada habkii ugu haboon ee waxbarasho lagu gaadhsiin lahaa tuulooyinka iyo daabiyadaha aadka u fog ee ku yaal xeebaha Gobolka Awdal iyo meelo ka tirsan galbeedka degmada Gabiley, READ/IQRA waxay adeegyo waxbarasho ka bilawday bilawgii sannadii 2001 iyada oo irridaha u furtay lix iyo taban (16) dugsi Hoosaad sida ku cad Shaxdan

 WAXAAN AAMINSANAHAY:

Waxbarashadu in ay tahay furaha loo adeegsado la dagaalanka iyo baabi'inta saboolnimada iyo in uu qofku xukumi karo aayaha noloshiisa.

MABAADIDEENNA:

  • Iskaashiga bulshada (community) si loo dhiso dugsiyo waxbarasho

  • La shaqeynta ururada samafalka ee deegaanka annaga oo aaminsan iskaashigooda in uu kordhayo waxqabadkeennu.

  • Isukeenidda mudawiciin naftood hurayaal ah ee ku nool aduunka baalihiisa si layskaga kaashado arrimaha la xiriira lacag-kobciyo iyo maareynta dhamaan barnaamijyada ururuka READ/IQRA.

 

 

 

Riix halkan si aad wax ugu deeqdo Ururka READ/IQRA

topKor

 Copyright 2000 - 2005 Rural Education And Development. All rights reserved.