|
|
||||||
|
In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful |
| |||||
BOGGA SUUGAANTA
"Marka aad sunuud hayso waxa suuq mug weyn yaala hala simin KITAAB weeye".. .
(
Ducadayda Aamiin!
Xasuus: Kolba sadarka (labadiisa qaybood) isku akhri
Anigoo dibjirayoo
Dulli iyo hantaaq iyo
Daranyadu I haysoo
Diirkaan lahaa iyo
Duurjoogta badan iyo
Dahabkaan la jiifaba
Cadaw daabulaad iyo
U diyaarshay rarid baa
Da'yartaad arkaysee
Ka damqaday abaartiyo
Dib u dhaca I haystee
Isku duubni kaligood
Dugsiyada ku furayee
Duubkooda maaleen
Dalban caawimaad iyo
Wuxu cadaw ku daba jiro
Daayimkay ilaahbaa
Ku abuuray damaqoo
Dareenkooda ruux nool
Ku dadaabo xidhayoon
Mahad wayn u dirayaa
Ilaahoow ha daayicin
Ha dullaynin waligood
Isu dire ka maaree
Dhamacdaa la dadayee
Docda xulad ku wadatee
Cadaw daabka haystana
Alloow daawo uga yeel
Alloow aanay daal iyo
Cajsi daaqad uga gelin
Ninka dollar dhiibana
Degdegsiimo eeboow
Ugu doori dahab iyo
Durdur aan ka suulayn
Allow daayac baan ahay
Dulmi baan ku suganahay
Waxan ahay mid daaloo
Dugsi looga ba'ayoo
Dub naxii sokeeyiyo
Loo diiday garaboon
Loo helin digiigixo
Ee daa'in eebboow
Ha kuu diirsadaanoo
Dhallintana ha daaqdee
Ducaddayda aamiin!
Waxa tiriyey Maxamed Maax Maxamuud
|
Copyright © 2000 - 2005 Rural Education And Development. All rights reserved. |