|
|
|||||
|
In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful |
| ||||
BOGGA SUUGAANTA
Dhalintii Dalkaygaay
Xasuus: Kolba sadarka (labadiisa qaybood) isku akhri
Dhalintii dalkaygaay
Dhallintii dadkaygaay
Dharaarahan ma aan maqal
Dhawaq kaa baxaayoo
Dhex mushaaxa dunidiyo
Hadalladii dhawaanahan
I dhaqaajay ruuxdiyo
Halka aan u dhacayee
Dhimashada I gaysee
Dhulku iila ooyee…
Ma og tahay dharkaygoow
Marka aad dhahaysaan
Ee aad dhaqaaqiyo
Ku dartaan dhirayn iyo
Ka dhabayn halhaysiyo
Isu dhiibid taladiyo
Dhibta qaybsigeedaan
Aniguna dhagaystaa
Ereyada an dhuuxaa
U diraa dhulkaygiyo
Halka aan ku dhaartee
Dhibtu igaga taaloon
U rogaa dhalaaliyo
Dharab iyo tigaadoo
Sida dhuurtii xeebtoo
Intuu xayskii dhigay dhigay,
Dhigay dhigay, dhigay dhigay….
Cawsha orodka dheeriyo
Sagaaradu dhasheedii
Dhambaalka isu diray iyo
Kulankoo ku dhaar galay
Inu miraha dhiinka ah
Dhinacyada u ridiyoo
Marka aad dhex joogteed
Dhibic muudsanayseed
Hadba dhinac miliilica
Ishu ay ka dharagtoo
Dhugashada habeenkii
Dayaxoo dhar xiranoo
Dhakadaada joogoo
sidii ay dharaar tahay
dhulka wada iftiinshoo
dhallintuna ciyaaraha
gego loola dhacayoo
sacabkii dhacaayiyo
dhawaqii is xirayoo
dhagta aad la raacdaan
dhidib loogu taagaa
Waa su'aal dharaarahan
Dhinacayga taalloon
Ka dhigaayay ruux aan
Dhalan maalmahaanoo
Dhabta saaranaayiyo
Dhaankaa an rarayee
Ka dhursuga lahaa iyo
Dhays aan arkaayoon
Rabo inan ka dhiijiyo
Dambar aan dhaashado..
Dhawaqii halkuu maray
Ma la dhigay dareenkii
Dhiigii ma joogsaday
Dhulkii nabad ma lagu yahay
Ma dhamaatay hawshii
Ma hinqaday dhallaankii
Dhag-dhag maan ku sheegaa
Wixii aan ku dhaar galay
Kolka inuu dhamaad yahay?
Dhinacayga goortaan
Darintayda dhacadiid
Barkimada u dhigan laa
Dhimbiil maa la joogaa
Mise wali wax baa dhiman?
Caku yaan la dhaawicin
Dhimirkiyo dareenkoo
Dhudhunkiina kaalmada
Ku dhaqaaja waligiin
Kii dhinac u baydhana
Dhabarkiyo tagoogtiyo
Dhasha iyo caruurtaan
Ka dhursugi ayaamee
Iska dhaafa oo yaan
Raadraacna laga dhigan
Dhaqankiisa foorara!!!!!!
waxa tiriyey: Maxamed Maax Maxamuud
|
Copyright © 2000 - 2005 Rural Education And Development. All rights reserved. |