|
|
||||||
|
In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful |
| |||||
6 :Ducadayda Aamiin!
Eebow Adaa Weyn
Adigaa Ammaan Mudan
Aadmiga Dadaalana
Iridaha Adaa U Fura
Aragaba Qof Ann Qabin
Indhihiisu Xidhan Yiin
Dhaguhuna Ka Awdmeen
Aqligiis Ku Socon Kara
Addinkiis Ku Meel Mara
Abuurtaas Adaa Iska Leh
Alxamdulilaahi Eebow
Anna Waad I Aragtaa
Agoon Baahan Baan Ahay
IQRA Bi’ismi Rabbigaa
Ereyada Ammaanta Ah
Ardaygaa Ku Toosee
Aroortii Akhriya Iyo
Aqoon Raadis Baan Ahay
Araxan Kaagaan Sugayaa
Adigaan Ku Aaminay
Ammuur Baase Igu Weyn
Arrin Muuqda Oo Dadan
Indha Ku Arkayoo Xidhan
Aqli Buuxa Oo Dhiman
Ummad Joogta Oo Maqan
Ubad Dhalanayoon Jirin
Arlo Darartay Oo Gudhan
Edag Oodan Oo Furan
Ardaa Buuxa Oo Madhan
Aqal Taagan Oo Dumay
Astaamahan Waxa U Sal Ah:
Aqoon Niman Lahaynow
Aayahaagu Waa Madow
Inta Badan Ma Ooyee
Alaxamdulilah Eebow
Ilays Baase ii Baxay
Aasaaska Noloshiyo
Aqalkani Unkamayiyo
Iskoolkani GEB Laga Furay
Aayahaygu Waa Kaa
Allahayow Na Taakuli
Afhayeenka Noo Noqo
Ummadaada Noo Kici
Alxamdulilaah Eebow
Ururkani IQRA-na Daa
Inta Aniga ii Maqan
Amba Awrka ii Raray
Addin Iyo Af ii Huray
Oogo Iyo Hawd Galay
Arli Iyo Bad ii Maray
Aroor Iyo Habeen Socod
Ergadayda Kaa wada
Anuubaa Ilayn Oge
Alufkaba Kan ii Dhigi
Ogow Macalinkaguba
Isagoon Aduun Helin
Oo Ayaamo Soo Qaday
Inta Uu Aroor Maro
Amba Uu Habeen Dhaxo
Sida Aar La Ganay Lalo
Awgey U Balanbalo
Abris Iyo Abeesiyo
Adaxiga Wax Gaadiyo
Af Libaaxna Kama Baqo
Ilaahay Ha Daayee
Aduun Laguma Raagee
Adigaa Awood Leh
Ummadana Xisaabshee
Abaalkood Adaa Gudi
Aakhiro Janada Geyn
Eedayna Ma Ahee
Ujeedada Odhaahdani
Axadkani an Weli Garan
Ergadani Dhaqaaqdiyo
Abkan Ceelalyada Tagay
Arragtidan Wax Garadka Ah
Arrimahan La Soo Xulay
Ayaayaha La Soo Wado
Ujeedada Wax Barashada
Kan Arkaaya Ee Dadan
Amba Aamusee Maqan
Soo Ururi Eebow
Akhbaar Qeexana Gaadhsii
Aduun Inu Dhamaan Karo
Oo Laguma Waar Yahay
Abaal Kii Gudaa Hela
Aakhiro Wax Sii Dhigo
Aragtidu In Ay Tahay
Eebow Bal Taabsii
Isaga iyo Ingaradkiis
Adduunse Waa Is Daba Yaal
Allana Tiisu Waa Meel
Anigana Intii Nool
Ehel Kii Wax ii Taray
Taariikhdu Way Iman
Ayaamaha Dambaa Qori
* Waxa curiyey Dr. Cali Bahar
|
Copyright © 2000 - 2009 Rural Education And Development. All rights reserved. |