|
|
|||||
|
In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful |
| ||||
BOGGA SUUGAANTA
DOOKHOW MAXAAD TAHAY ?
Xasuus: Kolba qayb jihada hoose akhri
Qaybta Kowaad:
Qaybta labaad:
Diintu waa nolosha oo idil
Da’da wiil markay tahay
Iyadaa dariiqiyo
Waqti uu dadaaluu
Dawga Eebbe loo maro
Waalidkii daryeeluu
Daneheenna oo idil
Danihiisa gaarka ah
Lagu wada daliilshoo
Uu duurka u galee
Naftuna ay ku deggantahay.
Doondoonna kuba jiro
Inu helo darmaan wacan
Dammiirkay xoraysaa
Dumar waa malaayiin
Wanaagana ku durkisaa
Mid uun baa la doortaa
U diiddaa xumaantooy
Shuruuddee la daydayi.
Dumaaniino siisaa
Welwelkana ka dadabtaa
Dhayal maaha dulucduye
Dadnimada qofkoo idil
Dookhow maxaa tahay
Iyadaa u daawo ah.
Qofkaad dooni waa tuma
Docdee baad ka raadini
Dabin kii ku dhacayee
Daayinkeen siduu rabo
Denbigiisu shidayee
Qofna muu ku daray talo.
Dabku uu ka baxayee
Dawgu uu ka lumayee
Danta aad dhisaysiyo
Doonaaya hilinkana
Dugsigaad unkaysaba
Istiqfaar dalbay tidhi.
Tii dumini inay tahay
Maxaa kuu dammaanada.
Ninka deeqahaa Rabbi
Daayinkeen u dhiibee
Denbi maaha xulashadu
Daarahana jeexdee
In la doono tii wacan
Ku dakaamayooy maqal
Oo la diido tii daran
Dadka kii itaal daran
Dariiqaana laga maro
Mar u kuu dansheegtiyo
Diintu way bannaysay.
Mar xishood daboolaba
Doqoni kaa ma garatoo
Waqtigani danbee jira
Waayahaa dabraayee
Duni way wareertoo
Ha u diidin waxad kari
Dhaqankiina wuu dumay
Gacantaa yayna duubnaan
Da’yartuna hallawdoo
Ha daadaadin gebigeed
Waxay daba ordaayaan
Dabuubteedu way iman
Duul an liinba haynoo
Halkii aad ka dalabtiyo
Maankooda doorshoo
Dawgii aad ku bixisay
Fool xumo la darisoo
Sii diyaarso waxad odhan.
Diintana xaqira oo
Dawgii ka lumayoo
Waxba yaan ku daaline
Duunyada an dhaamin
Oon deelka maansadu
Haddii kalese kaba daran.
Ila sii dakaamine
An u dhaafo duluc kale.
Isku dariba maayee
Badhbaa diinta haystoo
Cilmigoy dalbaan iyo
Danohooda gaarka ah
Waxa tiriyey Saciid Abiib
|
Copyright © 2000 - 2005 Rural Education And Development. All rights reserved. |