|
|
|||||
|
In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful |
| ||||
GABAYGII IQRA
|
Ilaahii aduunyadan dhigee Aadmigana Beeray |
|
Anbiyada Dhamaantood Ilaa Aadan laga gaadho |
|
Ayaadaha udgoonuu na baray ee i garab yaala |
|
Eraybixinta aadmiga ayaa lagu asteeyaaye |
|
Aduunkana tafsiirbaa u yaal aaminaad badane |
|
IQRA weeye waxa lagu bartee Eebe soo diraye |
|
Sidaa awaawedeedbaan jeclahay inaan amaanaaye |
|
Markii edega laga oodayee uu meel u bixi waayey |
|
Markuu aynta xulay ee uu galay caaro aqalkeeda |
|
Godka awdan guurtuu u galay waadigii garane |
|
Isagoo adkaysiga ogoo Eebe garanaaye |
|
Fariin adag ayaa loo sidoo loo alkamayaaye |
|
Jibriil baa afaafkiisa yimid oo Aduun sida e |
|
Ajanabi umuu qaadanaine wuu Istaahilay e |
|
IQRA hadalka goortuu u yidhi eegi kari waaye |
|
Hayeeshee awoodii Ilaah amarku weeyaane |
|
Agoonkii intuu sii amkaday Eraygii soo tuurye "SLCW" |
|
Alufkale hadaan eego oon erayga deeqsiiyo |
|
Alahayow adaa Axada oo caadiloo jira e |
|
Adigaan aduunyada dhamaan eray ku seegayne |
|
Inta curuq jidhkaygiyo afkiyo xaada oogadaba (layers of human skin) |
|
Aragtida indhahu ay hayaan Unuga soo daaya (Iris) |
|
Dareenadu halkay isugu tagaan adhaxda hoosteeda (spine) |
|
Ubucdiyo lafaha iyo dhamaan dhiiga obohleeya (The Circulation System) |
|
Tinta oogadaydiyo dhamaan muuqa idilkiisa |
|
Waxaan urino, waxaan eegno iyo waxaan agjoognaaba |
|
Wixii ooga laga taabta leh ee diirku ka sareeyo |
|
Wixii ugac ku hoosjira intuu uunka imanaayo |
|
wixii uurka lagu sido iyana waad ogsoontahaye |
|
Midkastaa wuxuu agabsanbaan edeg u keentaaye |
|
Midna kuma dhexqado mawjadaha waa amuur kale e |
|
Awoodaada weeyaan waxay amineen gabiye |
|
Intaan sheegin ee ii dhimani waa awood kale e |
|
Aadigaa awoodeda loo eray ku dhaafeyne |
|
Gidigood adoo nagu galaday oon aamin leenahaye |
|
Afartaa araar iga dheh iyo erayo geelaaman |
|
Haduun buu sidii geel amina soo udgoonyahaye |
|
Ishinkeeda ruuxaan aqoon umal la sii boodye |
|
Inta ugu yar baan kuu tirshoo wali ma Aaleyne |
|
Abaqaalka sheekada ayaan wali ka iibshaaye |
|
Afgaroocsan oo lagu dayaa eersay gabaygiiye |
|
Abtirsiin ayuu raadsadaa Eebahay magane |
|
Ooliga wuxuu ugu jiraa niman asaagaaye |
|
Erayada farshanka leh ayey ugu cilaamaane |
|
Sida nirig abaydina ayuu ku agwareegaaye |
|
Intaa wuxuu ka rooraa inuu Aafo raadsada e |
|
Marna kama agtago edagooda wuu ku agwareegaaye |
|
Isku bixis ayuu ugu yimaad maalin iyo leyle |
|
Isirbuu rabaa inuu heliyo hadal astaanweyne |
|
Ictiraafna kama raadsado ruux ilduuf qaba e |
|
Imaamada wuxuu raadsadaa Eheladoodiiye |
|
Inkastoon aflagu sheegi karin eray la sheegsheego |
|
Abwaanadu waxay wada maraan ilinka suugaane |
|
Ishaarada waxay sii dayaan iman agtoodiiye |
|
Kuhaan kuma agmeeraan arliga way u abtiriyaane |
|
Ayid waxay ka eegaan ayaan lays ogsoonyahaye |
|
Dareenbay ilaashaan dadkuna wuu ogsoonyahaye |
|
Mana odhan afkoodaa yaqaan uunka kii jira e |
|
Ilaahbay ugaartahay wixii Beri la eegaaye |
|
Isagaa ogsoon oo ilayn amarku seegayne |
|
IQRA weeye waxa lagu alkumay aadmi sharaftiise |
|
Ruxaad aqoonteeda helin wuu agmarayaaye |
|
Noloshuba adeygbay ku tahay omos abaareede |
|
Afrikada waxaa soo afjaray ee ood iskugu geeyey |
|
Waa aradka lagu noolyahoon umal ka yeedhayne |
|
Waa aqoonta laga seexday een ubad la geynayne |
|
IQRA weeyi waxa looga bixi oomaskaa jira e |
|
IQRA weeyi waxa lagu hayaa adari guudkeede |
|
IQRA weeyi odayadu waxay eega filayaane |
|
waa abaqa guudkiisa iyo unun diraac taale |
|
Waa oogta waabariga iyo idan Ilaahaye |
|
Aleelada ku taal baan arkaa aragsamaanteede |
|
Waxa adhaxda kaga yaali waa ayaatiin wacane |
|
Uhda laga abuuraan ogoo waa udgoon taniye |
|
Aw-aadan garabkiisa iyo eelo garabkeeda |
|
waxa laga arkaa meelsaroo uunku wada eegye |
|
Ayaankeeda ruuxii helaa aada oo taga e |
|
onkod weeyi lagu diirsadiyo oori khayr badane |
|
Ilwaad weeyi arageedu iyo ilo butaacweyne |
|
Ishaarada Ilaah keenay iyo Waa ijaab taniye |
|
Afartaa afkeenii la qoray amase suugaanta |
|
ma amaahdo erayda amiir soo jiraan ahaye |
|
anshaxeeda maansada ma helo ruux aqoonyariye |
|
arday erayo gaagaabanina wuu isdhibayaaye |
|
asraar lagu sifeeyey rabtaa hadal asluub weyne |
|
anagaa ilaah nagu galaday oo amaan mudane |
|
Awrqaad ninkii raadiyaa waa itaal xumo e |
|
afarkale hadaankuu alkumo amase kuu sheego |
|
IQRA weeyi waxa aynigeen lagu agaadhaaye |
|
IQRA weeyi hadal lays faraa alif la yeedhshaaye |
|
Icraabtiyo waxa lagu bartaa erayo waaweyne |
|
Iftiinkaa dadkuba eegayaan eena garab yaala |
|
Ninka iibsan waayaa ilayn oonku hadhayaaye |
|
Ilays weeye lagu diirsadiyo ilin aqooneede |
|
Ilxumada waxa laga baxaa iilka loo galayo |
|
Markaad eegtid waanada iqree aradka noo joogta |
|
Odayadu waxay noo dhigeen idinka oo eegi |
|
Aafada faqrigu uu wadaa waa aqoon xuma e |
|
Oomaarka nagu raagay waad wada arkaysaane |
|
Intaad ubadka geysaan dugsiga halaha iibgeeya |
|
Ula jeedo weynbaa jirtee olole sii qaada |
|
Isjeclaansho baa laga helaa aqalo waaweyne |
|
Ogsoonaada waa lagu dhergaa lagu adkaadaaye |
|
Ogaysiis ka sii bixiya oo ood kastaba geeya |
|
Isjeclaansho baa laga helaa aqalo waaweyne |
|
Oomaarka nagu raagay waad wada arkaysaane |
|
Intaad ubadka geysaan dugsiga halaha iibgeeya |
|
Ula jeedo weynbaa jirtee olole sii qaada |
|
Ogsoonaada waa lagu dhergaa lagu adkaadaaye |
|
Ogaalkana kusii qora ilayn iibkalaa jira e |
|
By:
Mohamoud Abdilahi Rooble Gabaygani wuxuu soo baxay 05/07/2007 |
|
Copyright © 2000 - 2007 Rural Education And Development. All rights reserved. |