|
|
|||||||
|
In the Name of Allah the Most Gracious the Most Merciful |
| ||||||
|
Sanad guuradii 6 aad ee ururka (READ/IQRA) |
||
|
oo lagu qabtay magaalada Ottawa, Canada |
||
|
Habeenkii Sabtidii ee bishan April 15dii, 2006, waxaa lagu qabtay magaalada Ottawa xaflad lagu xusay Sanad guuradii 6aad ee ururka samafalka ah ee READ ama IQRA. Ururkan samafalka ahi waxuu ka hawl galaa gobolka Awdal iyo galbeedka degmada Gabiley. READ/IQRA NGO waxuu ku hawlan yahay tan iyo bilowgii, dhisidda iyo maamulka dugsiyo hoose/dhexe ee jiidahaas aan kor ku xusnay. Waxuu had iyo jeer ku guubaabiyaa dad waynahaas muhiimada ay waxbarashadu leedahay. READ waxuu ku guulaystay inuu jiidahaas ka furo 18 dugsi oo aan horay u jirin. READ waxay ku hawl gashay, kuna bilowday shaqadeeda, iskaa wax u gabso ama waxa aynu afka qalaad ku nidhaahno “Volunteering”. Xafladan oo dadwayne aad u fara badan oo degan magaalada Ottawa ay ka soo qayb galeen, waxa kale oo iyadna ka soo qayb galay xafladaas hayado caalami ah oo xaruntoodu tahay magaaladan Ottawa. Dadkii xafladaa ka soo qayb galay, waxaa runtii ugu cad cadaa oo ka hadlay: Sh. Maxamed Xuseen Hadi, Dr. Ciyow, Dr. Tani, iyo Dr. Raabi. Furitaankii xaflada ka dib waxaa halkaa ka hadlay Dr. Ciyow.
Waxaa Dr. Ciyow hadalkii ka daba qaatay Dr. Tani. Dr. Tani waxuu aad ugu dheeraaday ka sheekaynta bilowgii taariikheed ee waxbarasho guud ahaan Somaliland, gaar ahaana dhulka ay IQRA hada ka hawl gasho. Waxuu Dr. Tani iyadna carabka ku dhuftay in baahi wayn loo qabo ururo la fikrada IQRA oo dhulkii ka hawl gala, isagoo runtii u arka in IQRA ay qabatay hawl aad u qiimo badan. Dr. Tani oo aad ugu caana ah kaftanka aan turxaanta lahayn, waxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay “in haasaawaha laga soo noqon karo!!!” oo hadii mar uu arin ku seejiyo, laga yaabo inaanu mid labaad ku seejin.
Dr. Raabi waxuu waano dhaxal gal ah u soo jeediyay dadwaynihii meesha isagu yimid. Dr. Raabi waxuu walaac wayn ka muujiyay dhalaanka soomaliyeed oo maalinba maalinta ka dambaysa uu ka sii lumaayo dhaqankii iyo aqoontii diintuba.
Ka dib cashadii iyo cabitaankii ay qaban
qaabayaasha xafladu ay ugu tala galeen dadwaynaha martida ah,
waxaa hadalkii hadalkaa ka sii amba qaaday Sheekh Maxamed X.
Hadi.
Xafladaas waxa lagu tusay dadkii ka soo qaybgalay horumarka ay gaadhay taas oo bilowday hawlgalka isugujira waxbarasho iyo horumarin bulshada muddo shan sano ah oo hadana gacanta ku hayso 18 dugsi oo ay wax ka bartaan arday ka badan 2500 . Xafladaas oo ujeedo dhaqaaleh ururinihina ku jirtay ayaa waxa aad u taageeray dhamaan dadkii ka soo qaybgalay waxana ka soo baxay dhaqaale aad u tayaleh. Waxaa iyadna in la xuso mudan abaal marino qiima leh oo halkaas dadwaynihii ka soo qayb galay ay gudoon siiyeen dhalintii firfircoonayd ee isku duba riday gabashada xafladaas. Waana kuwan sawiradii xafladaasi.Waxa soo gudbiyey: Taageerayaasha ururka READ/IQRA ee Ottawa, Canada. |
|
Copyright © 2000 - 2006 Rural Education And Development. All rights reserved. |